Site icon Qaamuus

ereyga

biin
(m.l) (-nan, m.l)

1. Qodxo bir ah, noocyo kala duwan leh oo wax la iskula qabto. 2. Nooc ka mid ah gorgorka oo aad u dheereeya..

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh biin

tabiino [m.dh]
Wax tar hiil iyo hooba leh. ld tamiino, tammiin, tammiino.

bayr [m.dh]
Iin maanka iyo muruqyada nafleyda ku dhaca oo keenta in laga dido ama laga boodo wax aan la hubsan; salaaf; biinan.

biinan [m.l]
1. Jirro maskaxeed qofka ka dhigta mid fudud oo aan dagganayn. 2. (w) eeg biin.

biindhayn [m.f.dh]
eeg biindhee.

biindhee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-dheeyay, -dheysay)
Ciyaar turub, haad la degey fas yar saarid.

biindho [m.dh] (-ooyin, m.l)
Saaridda (ciyaar turub).

bilirubiin [m.l]
(daaw.) Walaxyo midabeysan oo ka yimid jajabinta heemogolobiinta dhiigga oo xameetida la socda. Labada ugu muhiimsan waxa weeyaan biilirubiin oo midab hurdi ah leh iyo biiliferdin oo midab cagaar ah leh.

dhibiin [m.dh] (-no, m.l)
Biyo mareen yar oo ka dillaaca togagga.

hiimoglobiin [m.l]
(c.nafl.) Mid la mid ah koox borotiinno ah oo wareegsan oo badanaaba laga helo xayawaanka iyada oo loo adeegsado inay qaadaan ogsajinta dhiigga.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version