Site icon Qaamuus

ereyga

biiro
(m.dh)

Cunto, lacag iwm oo in yarba meel laga keenay si loo siyo cid baahan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh biiro

ambiiro [m.dh]
ld bambiiro.

bambiiro [m.dh]
1. Shey jilicsan, ramal ka sameysan oo midabbo iyo tooxyo kala duwan leh oo biyaha celiya. 2. Xarko dhudhuuban oo lacagta lagu rito oo ramal ka samaysan. 3. B. ah: kabo ramal ah oo roobka laga gashado. ld ambiiro.

biiroo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Wax biiri qabatay noqosho. Tus. “Cali waa biirooday”.

biiroobid [m.f.dh]
eeg biirow.

biirood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg biiroo.

biirow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Wax biir leh noqosho (biyo, caano iwm).

biirqool [m.l]
Hab gaar ah oo xarig loogu xiro qof ceel biir leh gelaya si haddii uu biiroodo dhaqsi loogu soo saaro.

biirqool [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-oolay, -ooshay)
Qof ceel biir leh gelaya si haddii uu biiroodo dhaqsi loogu soo baxsho, hab gaar ah xarig ugu xirxirid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version