bilaaban
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bmay, -bantay; -bmi)1. Wax la bilaabay noqosho. 2. Waqti xaddidan qaybtiisa hore gelid. ld billaaban.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bilaaban ↴
billaaban [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay; -bmi)
ld bilaaban.
dildillaaca-waaberi [m.l]
Xilliga iftiinka subaxnimo bilaabanayo.
dood [m.dh] (-do, m.l)
1. (xis.) Marka laga hadlayo loojig, waa susun hawraaro ama weedho ah oo ka bilaabanta urur qaadashooyin ah kuna dhammaata go'aan. 2. (xis.) Urur hawraaro ama weedho ah oo loo yaqaan afeef iyo hawraar lagu soo gooyay oo loo yaqaan go'aan.
kicin [m.l]
Isbeddel daruuraha iyo hawada gala kolka xilliga roobku bilaabanayo; kacsan.
kulanno-cidhifeed [m.l]
(xis.) Bar ku taalla sallax loona muujin karo kulanno ahaan (r, theta)), taas oo theta ay tahay xagasha u dhexeysa dhidibka togan ee x iyo fallaadha ka bilaabanta unugga kuna dhammaata barta, r - na waa dhererka fallaadha.
toornaado [m.dh]
(juqr.) Dhulka Guinea ee Afrikada-galbeed, waa duufaan xoog leh oo badanaa loo yaqaan “tornaadada Afrikaanka”. Waxay ka kooban tahay dabayl cod leh oo ka timid dabayl onkod xoog leh, waxay inta badan ku bilaabantaa si kedis ah waqti yarna ku eg, laakiin waxay geystaa burbur weyn dhulka iyo baddaba, waxa inta badan la socda roob biyo dhaca.
xarriiq-badh [m.l] (-qo ..., m.l)
(xis.) (Fallaar) Xarriiq toosan oo ka bilaabanta bar maguu-raan ah oo si aan joogto ahayn ugu fidda hal jiho (dhinac) oo keliya.