biskood
(m.f.dh)eeg biskoo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh biskood ↴
biskoodsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Caafimaadsiin.
biskoodsiin [m.dh]
eeg biskoodsii.
dhugmar [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Dh. ah: neef geel ah oo dhugi ku dhacday oo ka biskooday ee guri noqday.
doog [m.dh]
1. Soo laba kacleynta uu soo laba kacleeyo nabar hore u biskooday. 2. D. ah: biyo cirka ka yimid oo weel loo hoorsaday. 3. ld daab².
doog [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Nabar hore u biskooday mar labaad soo kicid. 2. Roob da'aya weel u hoorsasho (qof).
gub [m.l]
eeg gumaar; dhaawac dab oo biskood.
gumaar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Halka bisqintu ka baxdo oo xubnaha taranka ee dadka ka sarreysa. 2. (-rro, m.dh) Dhaawac dab oo biskooday.
gunaad [m.l]
Nabar kor ka biskooday oo hoos ka jirran.
holac [m.l]
(daaw.) Xaalad cudur oo ka timaadda falgal jirku kaga hortagayo dhibaato dibedda uga timid, waxay xaaladdaasu noqon kartaa: mid muddo gaaban ama mid muddo dheer. H.a muddada gaaban waa falgal difaac oo deg-deg ah oo ay soohyadu kaga hortagaan dhibaato ka timaadda: jermi nool, walax kiimikaad ama fiisikaado. Astamaha: xanuun, kul, casaan, barar iyo hawl gab. Xididdada dhiiga ee goobta waxaasi ka dhacayaan way dabcayaan oo ballaaranayaan sidaas darteed socodka dhiigga waa ku badanyahay goobtaas. Unugyada cad-cad galaan soohyada waxayna bilaawaan in heeraaryeeyaan baktiiriyada iyo waxyaabaha dibedda ka yimid soohyada waxay cunaan wixii dhintay oo way nadiifinayaan marar waxa sameysma malax waxaana bilowda biskood.