bislaan
(m.f.dh)eeg bisil. ld bisayl (4), bislaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bislaan ↴
jaaw [m.dh]
Digir la cambuuleeyey xabbadaha aan bislaan.
yacyacood [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Y. ah: miro aan weli bislaan. 2. Y. ah: hilib aan bislaan oo weli dhiiggii leh.
bake [m.l] (-kayaal, m.l/dh)
Qare aan weli bislaan; bicir.
baroor [m.dh]
1. Qaylo dheer cataw iyo ilmo leh oo ay haweenku sameeyaan marka ay dhibaato la kulmaan. 2. Meseggo aan bislaan oo sabuul ku taal.
baroori [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Ka b.: qof baroor ka keenid. 2. Meseggo aan geedkii ku bislaan goyn. ld baroorsii.
barooro [m.dh]
1. Quwaaxa masaggada marka uu curdanka yahay ee aan la cuni karin. 2. Meseggo aan sabuulkeedii ku bislaan.
baroorso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Meseggo aan bislaan gurasho.
bisayl [m.l]
1. Cunto dab lagu farsameeyey oo gaartay heerkii lagu cuni lahaa. 2. Miro iwm marka ay gaaraan heerkii lagu cuni ama la guran lahaa. 3. Waaya-aragnimo dheeraad ah oo la yeesho. 4. ld bislaan.
bislaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg bislow. ld bislaan.