bixid
(m.f.dh)eeg bax.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bixid ↴
ba' [m.fg1] (-'ay, -'day; -bi'i)
1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid.
3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay
yaalleen ka tirtirmid.
haad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Wax baalal leh dhul kor uga kicid. 2. Ka h.: naf, qof ka bixid. Tus. “Cali way ka haadday”.
yaac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
1. Dad, duunyo ama qalab kala firdhasho. 2. Ka soo y.: furuuruc iwm oo gada dusheeda ka soo bixid.
caadbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Soo c.: bannaan u soo bixid; muuqasho. 2. Soo c.: qof daacad ah ahaansho.
caadbixid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caadbax². ld caadbax¹. eeg, caadbax
daabixid [m.dh]
ld daabaxid. daabaxid
eedbixid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg eedbax². eedbax
gaafabbixid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaafabbax². ld gaafabbax¹. gaafabbax
nabadbixid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg nabadbax.
qaambixid [m.dh]
ld qaanbixid.