bixis
(m.l)ld bixin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bixis ↴
kaahin-dulmadow [m.dh]
(fiis.) Kaahinta kuleed ee ay dulmadow bixiso heer kasta ee heerkul, lehna filiqsanaan tamareed oo leh muuqaalka jeegaanta.
qaansheeg [m.dh] (-gyo, m.l)
(dhaq.) Qoraal cid lagu weyddiinayo badeeco ay hore u qaadatay qiimahooda in ay bixiso.
raadka dobler [m.l] (-dadka ..., m.l)
(fiis.) Isbeddelka muuqda ee rakaadka ileyska ama jabaqda ay bixisay walax soconaysa, marka loo eego ilaaliya taagaan. Marka ay walaxdu ku soo socoto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid kororsan; marka ay walaxdu dhaafto ilaaliyaha rakaadku waxa uu u muuqdaa mid hooseeya.
xafaarad [m.dh] (-do, m.l)
1. Aalad dhulka dillaacisa ama ciidda bixisa. 2. Markab weyn oo badda qoda.
amaahiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Cid amaah bixisa.
ambabbixis [m.l]
ld ambabbixin.
bakhaylad [m.dh] (-do, m.l)
Naag hantida wax aad u yar ka bixisa.
ballanqaad [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Caddeynta cidi bixiso ee ay ku shaqeyso in ay ballan meel marineyso. 2. Warqad rasmi ah oo cidi ku caddeynayso gudidda qiimaha waxa la soo dalbaday. ld ballangaal¹.
barbixis [m.dh]
ld barbixin.
baynibixis [m.l]
ld baynibixin.