Site icon Qaamuus

ereyga

bocool
(m.dh) (-lo, m.l)

1. Qolof adag oo nafley yaryar oo biyo ku nool ah galaan oo laga helo xeebaha iyo meelaha ay biyuhu ka guraan. 2. Meel calaacasha ama cagaha ka mid ah oo uu dhacaan khafiif ah galay marka cirid lagu socdo ama hawl adag gacnaha lagu qabto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bocool

kaadidhiig [m.l]
(daaw.) Cudur dalalka cimilada kulul laga helo oo uu keeno deris-ku-noolka “bilharzia”. Ukumaha deris ku noolka oo soo raaca saxarada ama kaadida qofka qaba cudurka, waxay ku koraan bocoolaha ku jira biyaha macaan kuwaaso u sii daaya biyaha deris-ku-nool yaryar ah oo ka galaya jirka qofka ku mayranaya biyahaas. Astaamaha: kaadida oo dhiig soo raaca.

alalaxi [m.dh]
Nafley yar oo biyaha ku nool, bocool ku dhex jirta oo kaadi-dhiigga noolihiisa korisa.

bocoolaggale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Nafley yar, biyo ku nool oo bocoosha gasha.

bocoolaggurad [m.l]
Muran, akeekan. ld bocoolaggurasho.

bocoolaggurasho [m.f.dh]
eeg bocoolaguro. ld bocoolaggurad.

bocoolagguro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Si diidmo iyo jikraar leh cid ugu jawaabid.

cuur [m.l]
1. Ciyaarta laylada godadkeeda mid ka mid ah oo bocool, dhagxaan iwm ka buuxaan. 2. C. ah: wax badan meel ku wada urursan.

kalax [m.l] (-xyo, m.dh)
1. Weel badanaa qori ka sameysan oo biyaha lagu cabbo. 2. Bocool weyn oo berriga laga helo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version