bocor
(m.l)1. Burcadka caanaha geela ka soo baxa. 2. Meesha kuusan oo cunaha ragga ku taal. 3. Miro ay qaraha isku bahyihiin oo la cuno marka la kariyo. 4. Geedka digirta marka uusan weli aad u soo bixin ee madaxiisu fooraro.
bocor
(m.dh) (-ro, m.l)1. Miro aroorro leh oo sida qaraha u weyn oo la cuno. 2. B. ah: gabadh aad u qurxoon.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bocor ↴
qaarxabaal [m.l]
1. (bot.) Geed sida qaraha u faalala oo kor ku yeesha miro waaweyn kuwa bocorta la eg, hoosna ku leh buruq weyn oo inta la jarjaro xoolaha lagu oon baxsho. 2. (daaw.) Xabaalidda qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kulul loogu duugo si loogu daweeyo.
burcad [m.l]
Subagga caanaha la lulay laga soo saaro inta aan weli la shiilin. ld bocor¹ (1).
dhoqor [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-rtay, -ratay)
Qare, bocor, iwm god yar u yeelid.
dhoqran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qare, bocor, iwm wax dhoqor loo yeelay ahaansho.
jocor [m.l] (-rro, m.dh)
1. Subagga ka baxa caanaha geela. 2. Bocor; halcun; cudh.
quluc [m.dh] (-lco, m.l)
Nooc bocorka ka mid ah leh sal ballaaran iyo dhuun dhuuban oo inta la qallajiyo oo miraha laga daadiyo biyo lagu shubto, ama oodkaca lagu shubto.
qurqur [m.l]
1. Meesha kuusan ee cunaha ragga ku taal; bocor. 2. (-rro, m.dh) Labada cirif ee qaansada middood.