bog
(m.l) (-gag, m.l)1. Caloosha meesheeda sare. 2. Baalka xaashida labadeeda dhinac midkood.
bog
(m.l)(c.nafl.) Muruq ballaaran oo xalleef ah oo kala xira uurka iyo saabka nafleyda. Wuxuu kaalin weyn ka qaataa neefsashada: qaadashada tuurista hawada.
bog
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-gay, -gtay)1.(f.g) Wax qabya ahaa dhammaysitirid. 2. (f.g) Hawl billaabid oo dhammaystirid. 3.(f.mg) U b.: wax jeclaan: hadalkiisaan u boggay.
Bogox*
Dhanka ay qorraxdu u dhacdo;
galbeed. bugux
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bog ↴
caafimaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Cudur, jirro iwm ka bogsasho.
haar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Raadka nabar ama dhaawac bogsooday ku reebo oogada. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Taag, buur gaaban. taag, buur, gaaban
laabraac [m.l]
U bogid wax loo bogo oo niyadda laga jeclaysto.
laabraac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
Wax loo bogo laabta ka raacid, ka jeclaysasho.
nabar [m.l] (-bro, m.l/-rro, m.dh)
1. Dillaac haragga ama jidhka gaadha dhaawac ku dhacay awgeed; qoon. 2. Raad uu qofka ku reebo dhaawac bogsaday. 3. Kol; mar. 4. Ooddin; aydin; qabatin.
qaayib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax la bartay ka caado yeelasho. 2. Wax si aad ah ugu bogid.
uur [m.l]
1. Inta u dhaxaysa bogga miskaha iyo laba kelliyood waxa ku jira: beerka, caloosha, xiidmaha iwm. 2. Ilma galeenka cunuggu ku jira kolka uu dusha ka muuqdo oo calool weyn u ekaado. 3. Laabta.
uurdoox [m.l]
Cunugga aan sida caadiga ah u dhalane bogga hooyadiisa laga soo saaray; bogdoox.
xaasha [Erey Dareen | Exclamation]
1. Xumo ka fog, ka dheer; taasna daa; maya. 2. Erey la yiraahda kolka wax loo bogo; baga!
xabud [m.l]
1. Baruurta bogga korkiisa ka baxda. 2. Laab; xabad.