Site icon Qaamuus

ereyga

boobid
(m.f.dh)

eeg boob². ld boob¹ (4).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh boobid

aboobid [m.f.dh]
eeg abow.

boob [m.l]
1. Si sedbursi xoog iyo dhaqso leh oo hanti cid ka dhexeyso loo qaato. 2. Si xoog iyo sharcidarro ah oo hanti iwm loo qaato. 3. Baadariga ugu sarreeya Fatikaanka. 4. ld boobid.

caraboobid [m.f.dh]
eeg carabow.

ceeboobid [m.f.dh]
eeg ceebow.

danaboobid [m.f.dh]
eeg danabow.

dhaboobid [m.f.dh]
eeg dhabow.

dhac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
1. (f.g) Hanti cid kale leedahay si xoog iyo sharcidarro ah ku qaadid. 2. (f.g) La dh.: ul, karbaash, gacan iwm wax ku garaacid. 3. (f.g) Dhurwaa habeen xero xoolo ku jiraan weerarid. Tus. “Dhurwaa baa xeradii u dhacay”. 4. (f.mg) Wax meel sare ka soo dillaamid. 5. (f.mg) Ku dh.: imtixaan ku gudbi waayid. 6. (f.mg) Qorrax, dayax iwm godgelid. 7. (f.mg) Wax waqti loogu talaggalay dhammaysasho. 8. (f.mg) Dabayl xoog u socosho. 9. (f.mg) Xabbad iwm qarxasho. 10. (f.mg) Wax culus oo aan la filayn soo kordhid. 11. (f.mg) La dh.: wax si aad ah ugu bogid. 12. (f.mg) Ku dh.: wax aan laga fiirsan falid. 13. (f.mg) Ku dh.: dhar iwm lebbisasho. 14. U dh.: si dhuumasho ah wax u boobid. 15. (f.mg) Biyo aan loo miyayn cabbid (xoolo).

dharaboobid [m.f.dh]
eeg dharabow².

dhooboobid [m.f.dh]
eeg dhoobow.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version