booddo
(m.dh)1. ld bootin. Si degdeg iyo xoog leh, inta cagaha meel loogu dhufto, oo laba melood laysaga hawakaco. 2. Cayayaan yar oo boodbooda oo dadka iyo nafleyda kale dhiigooda ku nool; qandhiso.
booddo
(m.dh) (-ooyin, m.l)(c.nafl.) Xasharaad dhiigga dhuuqa oo aan baalal lahayn, lugose leh ay ku booddo. B.da waaweyn si aan joogto ahayn ayey waxay ku dul noolaadaan shimbiraha iyo naasleyda. Qaarka dadka cunana waxay qaadi karaan cudurro kala duwan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh booddo ↴
bootin [m.dh]
eeg booti. ld booddo¹ (1), boodsiin, boodsiis, bootis.
gargaar [m.l]
1. Kaalmo wax ku ool ah oo dhaqso leh. 2. G.ka degdegga ah: kalkaalo caafimaadka dhaqsaha leh oo loo galo qofka jirradu ku soo booddo ama shil ku dhaawacma. ld gargaarsimo, gergaar.
hakaabso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Guri, xero iwm irriddiisa xirid. 2. Nafley dagaalamaysa booddo isu diyaarin.
injirbooddo [m.dh]
Booddo, takri.
korubooddo [m.dh]
Nooc ka mid ah jarta la ciyaaro oo si god ka bood ah la isugu cuno.
kuddo [m.dh]
1. Orod booddo ku anbabbaxa oo xawli dheer leh. 2. Dagaal aan habeys-nayn oo aan laysu tureyn. 3. Masaafada u dhexeysa laba qof oo orotameysa oo kala horreeysa. 4. Orgoodka gammaanka.
simbayr [m.dh]
1. Doc; dhinac. 2. Boodidda nafley labada dhinac midkood u booddo. 3. Iin sinaha gasha oo dhutis keenta. ld sinbayr.
takfi [m.dh]
Qaniin yaryar, dhiig ku nool ah, boodbooda, oo dharka, furaashyada ama darmooyinka lagu seexdo gala; booddo.