burji
(m.l)Heybad cidi leedahay oo dadka qaarkiis kaga baqaan ama ku xurmeeyaan. ld buruud.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh burji ↴
birjiko [m.dh]
ld burjiko.
burjiko [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qalab wax lagu karsado oo ka samaysan dhagax jilicsan ama bir leh, dhego la qabsado iyo meel kore oo dhuxusha lagu shubo. ld birjiko.
burjiwaasi [m.l] (-iyiin, m.dh)
Qof maalqabeen ah oo shaqaalaha u shaqeeya aan siin wax u dhigma waxsoosaarkooda.
buruud [m.l]
1. Nasiib wacan. 2. ld burji. ld burad, buruuji.
buruudshiil [m.l]
Ka burji sarreynta qof, qof kale ka burji sarreeyo.
buruudshiil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
Qof, qof kale burjigiisa jebin.
dhaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Neef qoob ka xirid si aanu u cararin. 2. Dheri, xeero, burjiko iwm tolid. 3. Wax fahmid ama garasho (cid). ld dhaag.
dhaadan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
1. Wax qoobka laga xiray ahaansho (neef). 2. Wax la tolay ahaansho (dheri, xeero, burjiko iwm).
girgire [m.l] (-rayaal, m.l)
Shay dhoob ah ama dhagax laga qoro oo qaab mooye leh iyo laba meelood oo la qabsado oo wax lagu karsado; burjik.