Site icon Qaamuus

ereyga

burun
(m.l) (-nno, m.dh)

Cad yar oo is-haysta oo ciid, sonkor iwm ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh burun

burunbur [m.l]
Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban gudguduudan iyo caleemo yaryar oo geelu aad u jecelyahay.

burunji [m.dh]
Hilibka intiisa jiirka ah.

burunjiyee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Cabsi, gabow, qandho iwm la gariirid.

burunjiyeyn [m.f.dh]
eeg burunjiyee.

dibaaxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Boodboodid yaryar oo kolkol hilibku yeesho, siiba muruqyada; burunjiyayn; jarcayn. ld dubaaxi.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version