Site icon Qaamuus

ereyga

cajiin
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)

1. Budo meseggo ama galley oo biyo lagu rafaaqay. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur laysku qasay oo canjeelo laga sameeyo.

cajiin
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-iimay, -iintay; -iimi)

1. Biyo ku rafaaqid budo meseggo ama galley. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur isku qasid si canjeelo looga sameeyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cajiin

cajiimid [m.f.dh]
eeg cajiin².

qoosh [m.l]
1. Budo badan oo hoore yar lagu qasay. 2. Cajiin. Waxyaabo badan, kala duwan oo la isku daray.

qoosh [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-shay, -shtay)
1. Budo hoore yar ku qasid. 2. Cajiin sameyn. 3. Isku q.: waxyaabo badan oo kala duwan iskuqasid.

rafaaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cajiin, dhoobo iwm oo qoyan gacan ku qasid. ld rafaaq², rifaaq².

raqad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qday, -qadday; -qdi)
Badar iwm cajiin ka dhigid. ld radaq.

ridiq [m.l]
1. R. ah: cajiin. 2. ld ridqid.

ridqo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-qaday, -qatay)
Badar cajiin ka dhigasho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version