caloolxumo
(m.dh)Dareen cadaawad iyo ciilqab leh. ld caloolxumi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caloolxumo ↴
urugo [m.dh]
Uurkutaallo; tiiraanyo; caloolxumo.
caloolxumaan [m.f.dh]
eeg caloolxun. ld caloolxumaansho, caloolxumi, caloolxumo.
caloolxumaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg caloolxumow. ld caloolxumaan.
caloolxumee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -maysay)
Cid caloolxumo badid.
caloolxumow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-maaday, -maatay)
Ka c.: caloolxumo dareemid.
caloolxun [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-umaa, -umayd)
Ka c./u c.: qof caloolxumo hayso ahaansho.
murug [m.dh]
1. ld murugo 1. Uurkutaallo; caloolxumo. 2. ld murud.
qulub [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-lbay, -lubtay; -lbi)
1. (f.g) Cayaar turub iwm qaybinteeda isku qaldid. 2. (f.mg) Welwel iyo calool xumo dareemid. 3. (f.mg) Welwel iyo caloolxumo darteed la caatobid.
tiiraanyo [m.dh]
Arrin lala murugoodo, caloolxumo, uurkutaallo.