Site icon Qaamuus

ereyga

calyo
(m.dh)

(c.nafl.) Dareere aan midab lahayn, qanjirrada xayawaanka ka yimaada oo cunnada jilciya; candhuufo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh calyo

calcalyo [m.dh]
Biyo xareed, saafi ah.

calyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Wax calyo ku halllayn; calyo ku qoyn. ld candhuufayn.

calyoceshade [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-dayaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Dir hoosaad naasleyda qoobabka leh oo ay ka midyihiin idaha, riyaha, lo'da iyo cawsha. Waxa astaan u ah calool afar lakab ah, oo qaybta ugu horaysa la yidhaahdo “ruumen” taas oo burbuisa “selilowska”. Cuntada waxa si ku meel gaadh ah loogu keydiyaa “ruumenka”, halkaas oo dib loogu burburiyo looguna calaaliyo balbka, inta aan la liqin loona gudbin qaybta kala ee caloosha iyada oo dheefshiidku halka ka sii socdo.

cay [m.l]
Dhareer; calyo.

cudurro-faafa [m.dh]
(daaw.) Cudurrada la is qaadsiiyo waxaana cudurrada la isugu gudbin kara: ayadoo la taabto qof buka jirkiis, ayadoo la qaado qalab leh jeermigii cudurka ama ayadoo la neefsado dhibicyo calyo ah oo qufaca ka yimaado iyo neef jeermi sidda.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version