Site icon Qaamuus

ereyga

carshaan
(Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural)

eeg cariish.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh carshaan

daash [m.l] (-shash, m.l)
Dhismo kor ka dadan, hareeraha ka furan oo carshaanta, baraakoyinka, mundullada iwm hortooda lagu dhiso.

makuuti [m.l]
Caws guryaha carshaanta ah la saaro oo laga sameeyo geedka qunbaha.

mardo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Xirmo dhis ah oo carshaanta, muddullada iwm lagu wareejiyo iyaga oo isku xiraya dhista gurigu ka sameysanyahay.

naqdac [m.l]
Caws guryaha carshaanta ah dusha laga saaro oo lagu dedo oo ka baxa meelaha webiyada agagaarkooda ah; gargoof.

ris [m.dh]
Geed laamo dhaadheer, dhuu-dhuuban oo guryaha carshaanta ah lagu dhisto.

roomad [m.dh] (-do, m.l)
Ul dheer, dhumuc weyn oo guryaha miyiga iyo carshaanta lagu dhiso.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version