ceed
(m.l)ld cayd.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ceed ↴
waagii dhagaxa [m.l]
(waayahii ..., m.l) (taar.) Waqtigii aadamigu isticmaalay qalabka iyo warmaha dhagaxa ka sameysan, ee ka horeysey markii ugu horreysey ee helaan ay bir ceedhiin.
bah-cadceed [m.dh] (-ho ..., m.l)
(c.fal) Koox walax cireeddo ah oo ka kooban qorraxda, meereyaasha, oo ku dul meeraysta, meereyareyaasha (plannetoid or asteroid), seefta cirka, shuhuubaha, cirka-soo-dhacaha iyo dayax gacmeeddada ku meeraysta meerayaasha, sida dayuxu dhulka ugu meeraysto.
cadceed [m.dh]
1. Xiddigta weyn oo dhulka iyo meerayaasha kale ku meeraystaan, iftiin leh; qorrax. 2. Iftiinka qoraaxda ee barqada iyo galabta.
cadceed-dhac [m.l]
Qorraxdhac.
cadceedsad [m.l]
ld cadceedsasho.
cadceedsasho [m.f.dh]
eeg cadceedso. ld cadceedsad, cadceedsi.
cadceedsi [m.l]
ld cadceedsasho.
cadceedsidhac [m.l]
Qorraxsidhac.
cadceedso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Galab dhanka qorraxdu jirto aadid. 2. Diinkabixid; gaaloobid. 3. Jid ama meel ka habaabid.
cadceedsoobax [m.l]
Qorraxsoobbax.