Site icon Qaamuus

ereyga

cimri
(m.l)

Inta sano ee wax jiraan. ld cumri.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cimri

raadiyoom [m.l] (-mmo, m.dh)
(kiim.) Curiye bir ifta ah oo ah kaahfale cad, kana tirsan ururka alkalayn-dhuleed. Waxa ay leedahay dhawr iskugod oo cimri gaaban iyo hal iskugod oo cimri dheer kaas oo ah raadiyam-226 (cimri-badheedkeeduna ya-hay 1602 sano).

waar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Cimri aan dhimasho lahayn ku noolaan. 2. Wax muddo dheer jirid.

baraarujin-caafimaad [m.l]
(daaw.) Habab qanciya dadka si loogu dhiirraggeliyo in ay ku dhaqmaan hab nololeed wanaajinaya caafimaadka kana fogaadaan caadooyinka loo haysto in ay caafimaadka wax u dhimayaan cimri nololeedka soo gaabinaya.

cimri-badheed [m.l] (-dyo, m.dh)
(kiim.) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimri-badheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.

cimri-badh-kaahfaleed [m.l] (-yo, m.dh)
(kiim.) Amminta ay ku qaadato in badhka bu'da kaahfal ku mataataxdo (N = 1/2 No); mataatax.

cimridheer [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-raa, -rayd)
Wax da'weyn gaarey ahaansho.

cimridheeraan [m.f.dh]
eeg cimridheer. ld cimridheeraansho, cimridheeri, cimridherer.

cimridheeraansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld cimridheeraan.

cimridheeri [m.dh]
Da'aad u weyn oo wax gaaraan. ld cimridheeraan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version