Site icon Qaamuus

ereyga

cirib
(m.dh) (-rbo m.l)

1. Cagta dadka meesha ugu damabeysa oo adag ee u dhexaysa raysmagaadhada iyo boqonta. 2. Ciribdambeed. ld cidhib¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cirib

baabba' [m.l]
1. Dhibaato weyn oo wax ciribtirta. 2. B. ah: wax aan waxtar lahayn oo karti yar. 3. ld baabbi'id baabbi'id

baabba' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-'ay, -'day; -bbi'i)
1. Wax ciribtiran ahaansho. 2. Raad, calaamad iwm. oo meel ku yaal tirmid. 3. Wax xaalad dhibaato leh ku sugnaan.

baabbi'i [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax ciribtirid. 2. Raad, calaamad iwm oo meel ku yaal tirtirid. Tus. “Rooble ayaa wixii sabuuradda ku qornaa baabbi'iyay”. 3. Sharci burin. 4. Sharaf awood iwm ee qof leeyahay waxyeeleyn.

raadgoo [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-gooyay, -goysay)
1. Raad-gooyo samayn. 2. Wax cirib tirid.

raadguur [m.l]
Cirib go'idda wax jiri jiray ay cirib go'aan.

tafiirgo' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-'ay, -'day)
Wax ciribtirmid.

tafiirgoo [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-ooyay, -oysay)
Wax cirib-tirid.

aayatiin [m.l] (-nno, m.dh)
Xaalad xumaan ama samaan leh oo ay cidi ku dambeyso; ciribdambeed. ld aayo¹.

barashada foosillada [m.dh]
(taar.) Sayniska ku taxalluqa noolaha ciribgo'ay, asalkiisa ha ahaado dhir ama xayawaan, oo la helo haraagoodii oo ku aasan dhadhaabaha.

boqon [m.dh] (-qno, m.l)
Seedda, ciribta iyo muruqa kubka isu haysa.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version