Site icon Qaamuus

ereyga

Curiye

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-yayaal m.l/dh)

(riw.) Qofka wax curiya.

Curiye

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-yayaal, m.l/dh)

(kiim.) Walaxda aan loo sii kala bixin karin walxo ka sii fudud asal haan. Atammada curiyuhu waxay dhammaantood leeyihiin tiro borotoon oo isku mid ah iyo weliba tiro isku mid ah oo elektaroon, taas oo jaangoysa firfircoonaanta kimikaad. Curiyayaasha, dabiici ahaan, laga helo dhulku waa ilaa 92.

Curiye

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-yayaal, m.l/dh)

(nax.) Erey guud oo tilmaama xubin ka mid ah xubnaha uu shay ka koobanyahay, sida erey oo ah xubin ka mid ah weerta ama dibkabe oo ah xubin ka tirsan ereyga.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga curiye

kaaftoon | maanganiis | ogsajiin | ogsajiin | raadiyoom | aayodhiin | alotarobi | arjantam | astaan | atam |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version