daali
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Qof ama nafley noog ku ridid. 2. Qof wax uu u baahanyahay u raadin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daali ↴
oomi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Nafley biyo u diidid. 2. Cid hadal badan ku daalin.
saadaali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, isay)
Wax aan weli dhicin inay dhici doonaan sii sheegid.
saadaalin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saadaali.
wadaali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Lab xoolaad oo qooqan dheddiggiisa oo deggan la socosho. 2. Neef tabar daran aayar u wadid.
wadaalin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg wadaali.
cabbaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Rati raran daalid.
caraysii [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iiyay, -iisay)
1. Is c.: is daalin. 2. Ka c.: cid caro ku abuurid.
daalib [m.l]
1. Qof wax doonaya. 2. Qof wax baranaya.
daalib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Wax doonid ama raadin.