Dar
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-rar, m.l)1. Weel ka sameysan bir, qori, harag oo xoolaha biyo loogu shubo. 2. Dhisme dhagax iyo shamiinto ka samaysan oo xoolaha biyo loogu shubo. 3. In xoolo ah oo isku mar ka wada cabta. 4. D. ah: dadkii hore.
Dar
Qaabnaxa: Magac, Dheddig, Falkaab | Noun, Feminine, Adverb Isrogrogga:1. D.tay, d.taa iwm: awgay, awgaa iwm. 2. D. Alle: Alle dartiis, si niyadsam ah. ld daraad.
Dar
Qaabnaxa: Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1 Isrogrogga: (-ray, -rtay)1. (f.g) Badar, biyo, caano iwm oo meel ku jira weel in yar uga qaadid. 2. (f.g) Middi, waran iwm wax ku mudid. 3. (f.mg) Ka d.: xaal wax ku sugnaayeen si ka xun noqosho. 4. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku kordhin. 5. (f.mg) Ku d.: nin iyo naag isu guurin.
liin-beydarin*
Liin Beydariin (Af Ingiriis : Citrus unshiu, sidoo kale: Naartjie) waa nooc ka mid ah liinta taasi oon lahayn wax siidh ah ama lafo ah. Liin beydariintu waxay kaga duwan tahay liin macaanta way ka yar tahay mar ahaan, sidoo kale qolofta ama dahaarka sare ee liin beydariintu waa mid si fudud looga qaadi karo marka la rabo in la cuno, sidoo kale waxay leedahay dhanaan ka badan liin macaanta, taasi ka yar liin dhanaanta.
Si la mid ah liin macaanta ayaa liin beydariintu waxay leedahay midab oranji mararka qaar casaan xiga mararka qaarna aad huruud u ah. Sidoo kale liin beydariintu waxay leedahay hilib aad u dhadhan macaan oo jilicsan. Marka bahda liinta laga hadlayo waxaa aad iskugu dhow liin macaanta iyo liin beydariinta sababtoo ah waxay leeyihiin midab aad iskugu eg, dhadhan aan kala fogayn iyo bixitaanka geedaha oo aad iskugu qaab dhow.
Si kastaba ha ahaatee, geedka liin beydariintu wuxuu ka soo jeedaa wadanka Shiinaha asal ahaan, halkaasi oo lagu beeran jiray mudo dhowr kun oo sano ah. Liin beydariintu waxay dunida inteeda kale soo gaadhay qarnigii 18aad wixii ka dambeeyay, goortaasi oo gumeystihii reer Yurub ee qabsaday wadanada koonfurbari Aasiya soo gaadhsiiyay Afrika, Yurub iyo labada Ameeriko.
In kastoo maanta laga beero wadamo badan oo caalamka ah, wadanka Shiinaha ayaa lambar kow ah soo saarida iyo dhoofinta liin beydariinta caalamka.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
wadar*
Wa wax badan
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga dar ↴
aad | aadaan | u | da'aa | qaab | saabbuuncadar | caabuq | caabuq | aaladee | gaaci |