Site icon Qaamuus

ereyga

Darab

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

1. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le'eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iwm oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo.

Darab

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

1. Toorrey, billaawe iwm daabkooda meesha ugu sarreysa ee quruxda loogu talagalay. 2. ld darib.

Darab

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-rbay, -rabtay; -rbi)

1. Wax diyaarin. 2. Weel aleelayn.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga darab

darabdhaqasho | darabdhaqo | darabqaadasho | darabqaado | darbid | darbo | darib |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version