Site icon Qaamuus

ereyga

Daruur

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

1. Tolmo kabaha, lammooyinka iwm sarjiyada looga tolo si loo qurxiyo. 2. Midab barobaro cadcad ah oo xoolaha qaarkood yeeshaan.

Daruur

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-ro, m.l)

Caad biyo xambaarsan oo cirka iyo dhulka dhexdooda heehaaba.

Daruur

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-ro, m.l)

(fiis.) Dhibco yaryar oo biyo ah oo ka samaysmay uumi-bax biyood oo galay gibilka, ka dibna ku qaboobay meel joog sare leh oo dhulka dushiisa. Uumi-baxa biyuhu wuxuu ka yimaadaa, harooyinka, webiyada iwm.

Daruur

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-ray, -rtay)

Kabo, laammo iwm sarjiyadooda tolmo lagu qurxinayo u yeelid.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga daruur

caad | caadgoror | onkod | qaac | qaansarroobaad | raashin | raayo | uugaan | uugaan | adeeg |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version