dayaarad
(m.dh)ld dayuurad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dayaarad ↴
buub [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Rati raran didid. 2. Dayaarad, shimbir iwm duulid.
dayuurad [m.dh] (-do, m.l)
Gaadiid hawada mara, rakaabka iyo xamuulka qaada, jaad ka mid ahna lagu dagaallamo. ld dayaarad, diyaarad.
gool [m.l] (-lal, m.l)
1. Ciyaarta godadowga afar xabbadood oo isku god ku jira. 2. Awr buuran. 3. Waraaqaha maraakiibta iyo dayaaradaha ay u adeegsadaan safarra- dooda.
istraatosfeer [m.l]
Gibil labaad ee fidsan ilaa 50 km. Heerkulka gibilkani, ugu dhawaan, waa madoorsoome, waana gibilka ku habboon duulimaadyada dayaaradaha dhuundhaska ku shaqeeya.
miig [Magac Lab | Noun Masculine]
Nooc ka mid ah dayaaradaha dagaalka oo lagu sameeyo dalka Ruushka.
nooli [m.l]
Lacagta baabuurta, maraakiibta, iyo dayaaraduhu ka qaataan dadka iyo xamuulka ay rakaabsadaan. ld nool.
rafaasad [m.dh] (-do, m.l)
Qalab ka kooban carrabbo xalxalleefsan oo si gaar ah isugu rakiban, wareega oo maraakiibta iyo dayaaradaha dhaqaajiya.