Site icon Qaamuus

ereyga

deyr
(m.l)

ld deyd.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh deyr

laandeyr [m.dh]
Laan xoog leh oo xarig lagu xiro, oo inta la soo xoodo ugaarta lagu dabo.

yagleel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-eelay, -eeshay)
1. Xero ama deyr si ku meel gaar ah u samayn. 2. Labo qof oo is guursanaaya guri u dhisid.

dani [m.dh]
Geed weyn, ciinka iyo dharkeenka ay isku bahyihiin oo ceelasha, guryaha, waraha iwm deyr looga dhigo; dano.

deyd [m.l] (-dad, m.l)
Dhis wareegsan oo aqallada iwm lagu wareejiyo ama horay looga yeelo. ld deyr.

deyraan [m.l]
Dabaysha, firada, heerka iwm oo ka soo hormara roob di'i raba.

deyradhaaf [m.l] (-fyo, m.dh)
Bartamaha xilliga diraacda oo ah waqti aad u dhaxan badan.

faddaaddo [m.dh]
1. Wax shaki leh ama aan caqligal ahayn. 2. Dillaac dhaawac caallirasan. 3. Marin laga bixiyey deyr ama qoqob. 4. ld faddaro.

habar-ari [m.dh]
1. Roobka deyrta ugu horreeya. 2. Bilaha soomaaliga mid ka mid ah. ld habar-eri.

jiidda-dhexe [m.dh] (-dyo ..., m.l)
(c.fal.) Loolalka dhexe, waa jiidda u dhaxaysa jiidda kulul iyo jiidda barafadeed; kubbad-badhka woqooyi waxay u dhaxaysa kulaalaha woqooyi iyo goobaha artig, kubbad-badhka koonfureedna waxay u dhaxaysaa kulaalaha koonfureed iyo goobaha antaqartic. Qorraxdu waligeed ma duljoogsato, laakiin kaaheedu wuu ku kala gedisanyahay jihooyinka, markaa waxa jirta xilliyo diirimaad iyo qabow ama xagaa iyo deyr.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version