Site icon Qaamuus

ereyga

dhafan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fmay, -fantay; -fmi)

Wax la dhafay noqosho.

dhafan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-fnaa, -fnayd)

Wax la dhafay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhafan

uuro [m.dh]
1. Boor ama qiiq madow oo kacsan. 2. Biyo dhoobo ku qasantahay oo aad u calawsan. 3. Midab xooluhu yeeshaan oo madow, guduud iyo cawl isugu dhafan.

bacad [m.l] (-ddo/-dyo, m.dh)
1. Dhul bacaad buuxiye oo lamaddegaan ah. 2. Midab caddaan ah oo mid kale oo yari ku dhafanyahay oo geelu yeesho. 3. Meel kulul oo qorraxda hayso.

badan-midab-ileys [m.dh] (-syo, m.dh)
(fiis.) Kaah birlabdanabeed leh iskujir hirbaacyo kala duwan, lagumana soo koobi karo kaahyada la arki karo. Eeg dhafan midab-ileys.

baqbaq [m.l]
1. Xabag aan saafi ahayn oo jilif, duux iwm ku dhafanyihiin. 2. Dhegdhegga indhaha buka ama aan nadiifka ahayn yeeshaan; fiish, dhalxan. 3. Dalool yar oo ku yaal albaab, dariishad iwm.

baydacar [m.l]
Bey midab dacar ah ku dhafanyahay.

beydacar [m.l] (-rro, m.dh)
Bey midab dacar ah ku dhafanyahay.

beyguduud [m.l]
Midab lo'aad ah, bey guduud ku dhafanyahay. ld beycas.

birdhaf [m.l] (-fyo, m.dh)
(kiim.) Iskujir ka kooban laba birood ama in ka badan (sida boronas, araas) ama bir ay ku dhafanyihiin xaddi yar oo birmaahayaal ahi (sida istiil). B.yadu waxay ahaan karaan laba weji oo isku laban ama iskujir iskukaan ah.

casaanboor [m.l]
Midab casaan ah oo caddaan iyo madow ku dhafan yahay.

cawiif [m.l]
Midab cad oo boor ku dhafanyahay.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version