dhalaalin
(m.f.dh)eeg dhalaali. ld dhalaalis, dhalalin.
dhalaalin
(m.dh)(fiis.) Dariiqada ama habka adke loogu beddelo hoor iyadoo la adeegsanayo kul iyo cadaadis.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhalaalin ↴
adke [m.l] (-kayaal, m.l/dh)
1. (fiis.) Maatarka saddexdiisa qaybood middood oo leh mug iyo qaab go'an, iskana caabida xoogagga qaabkeeda beddelaya. 2. (xis.) Shaxan joomaterikaad oo saddex aaddimood leh. 3. (xis.) A. lix salaxaale: shaxan adke ah oo leh lix weji oo barbarooleyaal ah. 4. (xis.) A. uumiyoobe: wejigeddoonka adkuhu ku noqdo neef isaga oo aan marka hore dhalaalin.
dhalaalis [m.l]
ld dhalaalin.
dhalalin [m.dh]
ld dhalaalin.
dhaqaaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax taagan socodsiin. 2. Subag, xayr iwm dhalaalin. 3. Wax meel fog geyn.
shub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Hoore meel ku geddin. 2. Xoolo waraabin. 3. Lacag bangi dhigid. 4. Quruurux, ciid, shamiinto iwm dhismo ka samayn. 5. Bir iwm dhalaalin.