Site icon Qaamuus

ereyga

dhalan
(m.l)

1. Dabeecad. 2. Dir, fir, sinji. 3. Muuqal. 4. Caws waaweyn oo aad u dheeraada. 5. Geedo doog leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhalan

uurdoox [m.l]
Cunugga aan sida caadiga ah u dhalane bogga hooyadiisa laga soo saaray; bogdoox.

uurjiif [m.l] (-fyo, m.dh)
(baay.) Heerka ugu horreeya ee koritaanka xayawaanka, laga soo bilaabo marka ugxanta bacrintay ay bilowdo inay qaybsanto, iyada oo ku jirta organnada taranka ee hooyada ilaa ay ka dillaacayso ama ka dhalanayso.

wacal [m.l] (-llo, m.dh)
Wiil aan meher xalaal ah ku dhalan. ld wecel¹.

wacal [m.dh] (-lo, m.dh)
Gabar aan meher xalaal ah ku dhalan. ld wecel².

xab [m.l]
1. Dhareer is-haysta oo layiig ah oo xuubabka jilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan. 2. Biyo badan oo xalliban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda. 3. Ukunta biyeheeda cad. 4. Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado.

abaarikeentay [Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective]
Dad aan dhulka ku dhalan oo waa dambe dalaw ku yimid.

ablaawe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
1. Qof aan ciddii uu ka soo farcamay la aqoon. 2. Qof aan meher ku dhalan; wacal; garac.

ajnebi [m.l]
Nin aan u dhalan dalka uu joogo; shisheeye.

ajnebiyad [m.dh]
Dumar aan u dhalan dalka ay joogto.

asali [m.l] (-iyo, m.dh)
Wax, wixii hore ka jooga oo aan la dhalan rogin. ld asiili (1), asli (1).

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version