Site icon Qaamuus

ereyga

dhaqid
(m.f.dh)

eeg dhaq. ld dhiqid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaqid

saabbuunee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -neysay)
Dhar saabbun ku dhaqid.

biyarraaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax hore loo mayray biyo saafi ah oo wasakhda ka dhammeysa ku dhaqid.

caanateel [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-eelay, -eeshay)
Meel magaalo ama tuulo u dhow xoolo ku dhaqid si caanahooda loo suuq geysto. ld caanaddiiq².

carrog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Haan ama dhiil la culay biyo ama caano carka uga dhaqid.

darab [m.l]
1. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le'eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iwm oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo.

dhaqdhaqid [m.f.dh]
eeg dhaqdhaq². ld dhaqdhaq¹ (3).

dhiqid [m.dh]
ld dhaqid.

faradhaqid [m.dh]
ld faraxalid.

faraxal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
Cid gacmo u dhaqid. ld faradhaq².

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version