Site icon Qaamuus

ereyga

dhaqso
(m.l)

1. (fk) Si degdeg ah; durba; si boobsiis iyo welwel leh. 2. ld dhaqsad.

dhaqso
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-saday, -satay)

Hawl qabashadeeda deddejin. ld dhakhso².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaqso

daacuun [m.l]
Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. ld daacuun-calooleed, daacuuncaloolo. daacuun-calooleed, daacuuncaloolo

laaf [m.dh] (-ooyin, m.l)
(jool.) Dhadhaab dhalaashan ama magma oo ka soo burqanaysa dhulka gudihiisa oo soo gaarta dhulka dushiisa, taas oo ka soo baxda karaytarka folkaanaha ama jeex-jeex dhulka dushiisa ah. Dhulka dushiisa laafadu si dhaqso leh ayay ugu adkaataa marka loo eego dhaqsaha adkaashadeeda ee dhulka gudihiisa.

aweyti [m.dh]
Habaar, cid Eebbe looga baryo in uu dhaqso u dhinto.

aweyti [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Cid inay dhaqso u dhimato Eebbe uga baryid.

bahardaac [m.l]
Fadhi kala daadsanaan leh oo aan la rabin in dhaqso meel looga kaco.

bakteeriafayj [m.l]
(baai.) Fayras ku dhex nool bakteeriyada. Mid kastaana waxa uu gaar u yahay hal nooc oo bakteeriya ah. Waxa uu si dhaqso ah ugu koraa una baabi'iya unugyada soorihiisa ah.

baraf-dhagax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.

biriq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rqay, -riqday; -rqi)
Iftiin yar oo muuqday dhaqso u qarsoomid.

boob [m.l]
1. Si sedbursi xoog iyo dhaqso leh oo hanti cid ka dhexeyso loo qaato. 2. Si xoog iyo sharcidarro ah oo hanti iwm loo qaato. 3. Baadariga ugu sarreeya Fatikaanka. 4. ld boobid.

boob [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Si sedbursi xoog iyo dhaqso leh hanti cid ka dhexeyso u qaadasho. 2. Si xoog iyo sharcidarro ah hanti iwm cid uga qaadasho. 3. Dedejin (cunid, socod, iwm).

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version