dheeg
(m.l) (-gag, m.l)1. Labada dhinac ee laga raro geelo middood. 2. Markabka dushiisa sare.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dheeg ↴
dhambalo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-ashay, -alatay)
1. (f.g) Wax si dherer ah u kala dillaacsasho. 2. (f.g) Galley hal mar ku shiidasho. 3. (f.mg) Ka dh.: maanso cid ka dheegasho.
dheegad [m.l]
ld dheegasho.
dheegasho [m.f.dh]
eeg dheego. ld dheegad.
dheego [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1. (f.g) Wax qof kale sameeyey wax u eg samayn; ka xigasho. 2. (f.mg) Ka dh.: hilib iwm gogasho.
dir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax meel joogay ama yiil meel kale aaddin. 2. Ku d.: qof, qof kale xumaan uga dheegid si uu ula colloobo.
fansaar [m.l]
1. Alaabo yar oo aan cuslayn oo gaadiidka dheegga laga saaro marka la raraayo. 2. ld fangelid.
hawaar [m.dh] (-ro, m.l)
Jiitin weyn oo geela dheegga looga sunto.
kaarboon [m.l]
(kiim.) Curiyaha koowaad ururka IV ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Kaarboonku xubin caan ah ayuu kaga jiraa maatarka nool. Sidaa awgled, iskudhisyo kaarboon ah; sida kaarbooneytyada (jeeso iyo irdib) iyo shidaalada foosil (dhuxul-dhagax, saliid iyo neef) iyo shidaallada ayaa laga dheegaa walxaha ku aroora noole.
kordhiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalab kordhiya itaalka sinyaala danabeed sida codka oo tamar dheeraad ah ka soo dheegata il danab kale.