Site icon Qaamuus

ereyga

dheg
(m.dh) (-go, m.l)

1. Xubinta maqalka nafleyda. 2. Hilqadaha haweenku isku qurxiyaan ee dhegaha dacalkooda surtaan middood. 3. Weel, qalab iwm meesha la qabto si loo qaado ama loo jiido. 4. Magac wanaagsan; caannimo; sharaf. 5. Shebeg lakabyo isa saaran ah, xanjo ka samaysan oo ay shinnidu malabka ku keydsato, ilmahana gashato.

dheg
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gay, -gtay)

1. Subag iwm xarkagid. 2. Cid iwm nabmid. 3. Ku dh.: wax gacanta xoog ugu qabasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dheg

naabnaab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Qof, wax shiddo badan oo caqli yar noqosho. 2. Qof faqri daran la kulmid. 3. Ku n.: si foolxun oo ka fuqid lahayn ugu dhegid u qabsasho. ld naannaab². naannaab

ibriiq [m.l] (-qyo, m.l/dh)
Weel ka samaysan macdan, naxaas dhoob iwm oo af dhuuban, dhegdheer iyo dabool leh oo shaaha lagu karsado ama lagu shubto; kirli; jalmad. kirli, jalmad

jabaq [m.dh] (-qo, m.l)
(fiis.) Gariirka dhex maraya dhextaal loodsame ah, lehna rakaad iyo itaal nashaadin kara dareenka maqalka ee dhegta aadamaha. Rakaadka jabaqdu waxa uu u dhexeeyaa. 20 --> 20,000 heertis, waana gaalis maqalka.

kaadishir [m.l]
1. Fal iyo asmo la akhiriyo si qof kaadidu ugu dhegto. 2. ld kaadishirid.

laako [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Laangeed oo labo qaybood u kala baxdo. 2. Mataano. 3. Fallaar, dabbaanta ka yara ballaaran oo aan dhega lahayn.

laama [m.dh]
(c.nafl.) Naasley geela la bah ah oo aan kurus lahayn, lagana helo Ameerikada koofureed, leh sur dheer oo dhuuban, dhego dhaadheer iyo dhogor jilicsan, cufan oo dhaadheer oo la rarto, hilibkeedana la cuno, dhogorteedana dhar laga sameeyo.

laambad [m.dh] (-do, m.l)
1. Qasac yar oo af dheer iyo dheg la qabsado leh oo la ifsado. 2. Nal.

naban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
1. Timo, ciid iwm wax la nabay ahaansho. 2. Wax meel ku dheggan ahaansho.

ooro [m.dh]
(daaw.) Cudur dhegaha xoolaha dushooda sare ku dhaca oo qolfo iyo finan u yeela.

organ [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Qayb ka mid ah jidhka noolaha oo u khaas ah, inay qabato hal shaqo ama in ka badan. Tusaale, xayawaanka: dhegaha, indhaha, sambabada iyo kelyaha. Tusaale, dhirta: caleemaha, xididdada iyo ubaxa. Organku wuxuu ka koobanyahay nudo badan oo kala duwan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version