Site icon Qaamuus

ereyga

dheggan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

1. Wax meel ku naban ahaansho. 2. Ku dh.: aad ugu mintidid (diin, ra'yi iwm).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dheggan

naban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
1. Timo, ciid iwm wax la nabay ahaansho. 2. Wax meel ku dheggan ahaansho.

xago [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-gtay, -gatay)
1. Ilkaha ama ciddiyaha wax nabar yar ku gaarsiin. 2. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha ama ciddiyaha kaga fuqsasho.

xagxago [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha uga goosasho. 2. Cid haruufid.

amiino [m.dh] (-ooyin, m.l)
(kiim.) Koox iskudhisyo orgaanig ah oo biyaha ku milma, lehna kooxaha kaarbogsayl (-COOH) iyo amiino (-NH), oo ku dheggan kaarboonka alfa.

bartiyaqaan [m.l] (-nno, m.dh)
Qof hantidiisa ama camalkiisa ku dheggan oo aan sida ku habboon uga faa'idaysan.

cidhib [m.l] (-byo, m.dh)
(c.nafl.) Dalool liilsami kara oo carjaw ah, kaas oo ku dheggan gidaarka dalqada ee u dhow salka carrabka naasleyda. Mar wax la liqayo wuxuu daboolaa hunguricadka si aanay cuntadu u gelin.

dhabxanag [m.l]
Dahaarka jilicsan ee hoos kaga dheggan qalka sare ee afka. ld dhanxalag, dhanxanag, dhanxarag.

dhegganaan [m.f.dh]
eeg dheggan. ld dhegganaansho.

dhegganaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dhegganaan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version