Site icon Qaamuus

ereyga

dhejin
(m.f.dh)

eeg dheji. ld dhajin, dhajis, dhejis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhejin

nab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Cid fal ama hadal aanay samayn ama dhihin ku sheegid; masabidid. 2. Is n.: wax hurda iska dhigid. 3. Ku n.: wax meel ku dhejin. 4. Ciid, timo iwm dhejin. 5. ld naab³.

dahaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Dhawraarin maqaar; maro, warqad adag iwm ka samaysan, wax dusha uga dhejin.

dhafri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid inay dhafarto ku kalifid.2. Xarig dhafar ah awr ku dhejin.

dhajin [m.f.dh]
eeg dhaji. ld dhajis (3), dhejin, dhejis.

dhejis [m.l]
ld dhejin.

gub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Dab ku dhejin, qabadsiin.

madkee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -keysay)
1. Madag bixin. 2. Isku m.: qof isku dhejin.

musmaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Musmaar wax iskula dhejin. 2. Ku m.: cid,cid kale ku dirid. ld musbaar².

niib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax si adag meel ugu dhejin. 2. Meel dalooshay oo la buuxshay ahaansho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version