Site icon Qaamuus

ereyga

dherer
(m.l)

1. Salka iyo baarku inta ay isu jiraan, joog. 2. Wax dacalka uu ka bilowdo iyo ku dhammaado inta ay isu jiraan. 3. Fogaan.

dherer
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1)

(ray, -rtay) 1. (f.g) Aad u sugid; raagsasho; dhaahsasho. 2. (f.mg) Taagnaan; likaysnaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dherer

aadimo [m.l]
1. (fiis.) Cabbir xariiqeedka laga qaaday walax adke ah sida dhererka (l), ballaca (b) ama joogga (h). 2. (fiis.) “Addimaha Xaddiyada Fisikaad” waa habka xaddiyada fisikaad looga soo dhirindhiriyo xaddi saleedyada oo la saaro jibbaaro habboon.

yaardi [m.l] (-iyo, m.dh)
Halbeeg dhererka lagu cabbiro oo habka ingiriiska ah oo u dhigma 0.914 mitir (Meter).

baac [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Cabbir dhererka u dhaxeeya labada gacmood marka la kala fidiyo. 2. Gacan la fidiyo iyo xabadka inta u dhexaysa.

maalin-qorraxeed [m.dh] (-lmo ..., m.l)
(c.fal.) Celceliska dhererka maalin cadceed, oo le'eg 86,400 ilbidhiqsi - 24 ka saac ama maalinta oogga waqtiga.

waar [m.l] (-rar, m.l)
Cabbir dhererka lagu cabbiro oo la mid ah seddax cagood ama soddon iyo lix hiish ama 0.914, mitir.

xaddi leeb [m.l] (-iyo ..., m.l)
Xaddi leh jiho iyo laxaad, waxaana ka mid ah barabaxa, kay-naanka keynaan xagleedka, xoogga iwm xad-di leebka waxa sawir ahaa u taagnaan kara xariiq (leeb) dhererkeedu uu saamiggal ku yahay laxaadka xaddiga, jihadeeduna uu yahay ka leebkaas.

xaddi-foolwaa [m.l] (-iyo ..., m.dh)
(xis.) Xaddi sida: cuf, dherer, waqti, cufnaan ama tamar oo leh baaxad ama laxaad; hase yeeshee aan lahayn jiho. Xisaab ahaan xaddiyadan oo kale waxaa la yiraahdaa xaddi foolwaa.

abley [m.dh] (-eeyo, m.dh)
Billaawe weyn oo dhererkiisu yahay qiyaastii soddon sintimitir. ld amley.

ambiyeer [m.l] (-ro, m.dh)
(fiis.) Summad A. Waa halbeegga caalamiga (HC) ah ee qulqulka danabka. Hal ambiyeer waa xaddiga qulqulka danab ee dhexmaraya laba gudbiye oo dherer-dhaaf ah, ahna barbaro, iskuna jira hal mitir ee dulaalaati madhan, ka dhex dhaliya xoog le'eg 2x10 (N/Nm). Niyuutan halkii mitir ee dhererka gudbiyaha.

arag-qumin [m.dh]
(daaw.) Awoodda ishu ay ku qumiso dhererka kulmiska bikaacadeeda, ayna u tusto hummaagyo bayaan ah ee walxo yaala fogaanno kala duwan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version