dhergi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Nafley, wax badan oo laga dhergo siin. ld dherji.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhergi ↴
haag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Ka h.: Wax aad uga dhergid.
laaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Ka l.: qof aan ka dhergin galmada qof kale.
oonbeel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-eelay, -eeshay)
Biyo aan laga dhergin cabbid; harraadbeel.
qaaley [m.dh]
Qof aan dhergin.
wabax [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Biyo ka dhergidda (xoolo).
wabax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bxay, -baxday; -bxi)
Xoolo biyo ka dhergid. ld wabaxso.
wabxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xoolo biyo ka dhergin.
bogo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1.(f.g) Cunto, cabid iwm ka dhergid. 2. Ka b.: arrin, hawl iwm ka baaraandegid; ka salgaarid.
buuflee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Xoolo baad ka dhergid. 2. Cid caro ama kibir muujin.
dharqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qaday, -qatay)
Ka dh.: noole, cunto ama cabbid ka dhergid.