Site icon Qaamuus

ereyga

dhexgal
(m.l)

Dhexdhexaadinta laba dhinac oo wax isku haysta. ld dhexgelid.

dhexgal
(m.l)

(fiis.) Dh. ileyska: firidhsanka ileys noqodka oo ay sababtay dusha xanafta leh ee uu ileysku abbaaray ama ku dhacay.

dhexgal
(m.l)

(fiis.) Dh. milannada: habka walxaha kala duwani ay isugu qasmaan, ayna ugu wacantahay socodka saxarrada (sida atamyada, ayoonnada) ay ka koobanyihiin.

dhexgal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-alay, -ashay; -geli)

1. Laba dhinac oo is haya dhexdhexaadin. 2. Wax gudahiisa gelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhexgal

barabbax [m.l]
(fiis.) 1. (dareere) Xaddiga dareeraha ah ee barabaxay marka walax idilikeed ama qaarkeed la dhexgaliyo dareere. 2. (Socod) Isbedelka meeleed. Fogaanta walaxi ka dhaqaaqday meeshii ay taagnayd. Marka xoog dhaqaajinaya uu falayo.

buuq [m.l]
(fiis.) Jabaq kasta oo dad dhiba; waxa lagu qiyaasaa iskeelka desibal oo u dhexeeya heerka maqalka ugu hooseeya (0dB) iyo heerka dhawaaqa maqalku xanuuniyo (130dB). Dhawaqyo maqalka qasa oo dhexgala liid rakaad ee marin sigaarsiin.

dhexgelid [m.f.dh]
eeg dhexgal². ld dhexgal¹.

entameeba [m.dh]
(baay.) Nooc ameebaha ka mid ah oo qaarkood deriskunool yahay siiba qaybta dheefshiidka ee dadka. “E. Histolytica” wuxu dhexgalaa oo baabi'iyaa xiidmaha isagoo keena xundhur iyo daloolinta xiidmaha, wuxuuna ku fidi karaa beerka oo ay ku sameeysmi karto malax.

faduuli [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
F. ah: qof wax aan loo dirsan ama aan raalli looga ahayn ama aan daniba ugu jirin, iska dhexgala; aabi iyo faduul badan.

isdhexgal [m.l]
(fiis.) Kulanka laba hir waxa dhici karta inay is taageeraan oo hir maxsuulku uu noqdo wadarta tamarta labada hir, ama ay is tirtiraan oo maxsuulku noqdo faraqa labada hir.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version