dhextaal
(m.dh) (-lo, m.l)Tix yar, soo noqnoqota oo maansada qaybo u kala qaybisa. ld dhextaallo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhextaal ↴
jabaq [m.dh] (-qo, m.l)
(fiis.) Gariirka dhex maraya dhextaal loodsame ah, lehna rakaad iyo itaal nashaadin kara dareenka maqalka ee dhegta aadamaha. Rakaadka jabaqdu waxa uu u dhexeeyaa. 20 --> 20,000 heertis, waana gaalis maqalka.
nabaddoon [m.l] (-nno, m.dh)
1. Qof loo xilsaaray in uu cido colaadi dhextaal heshiisiyo. 2. Qof qabiil madax u ah; caaqil; ugaas.
nabdi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Dad colaadi dhextaal heshiisiin. 2. Cid salaamid.
dhaabad [m.dh]
1. Ballan. 2. Tix yar oo maanso iwm dhextaal u ah.
dhextaallo [m.dh]
ld dhextaal.
galliin [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nay, -ntay)
U g.: Laba dhinac oo dhibaato dhextaalay heshiisiin; ergayn. ld gelliin².
gudo-noqod-dhan [m.l]
(fiis.) Marka fallaadh ilays kaga dhacdo dusha dhextaal cufnaan obtikaad yar, xagal abbaar ka weyn xagal qirinqiirka, halkii ay uga gudbi lahayd dhextaalka cufnaanta yar ayay dib ugu soo noqotaa dhextaalka cufnaanta badan.
hir [m.l] (-rar, m.l)
(fiis.) Labid kaleed ee dhextaal ama dululaati. Marka uu hir socdo, garurka ayaa tamarta meel ka kexeeya, geeyana meel kale.
itaal birlabeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Summad H. Xaddi leeb laguna qeexo bar gaar ah ku taal badad birlabeed keenaysana cabbirka qaybta cufnaan burqaad birlabeedka (B), xorna ka ah dhextaalka ay ku falmayaan xoogagga badada birlabeed. Waxa lagu cabbiraa halbeegga (A/m).