dhibtoo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-ooday, -ootay)Dhib la kulmid (qof).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhibtoo ↴
kaadigubasho [m.dh]
(daaw.) Xanuun iyo kaadida oo lagu dhibtoodo, waxa badanaa keena holac kaadihays ama holac kaadimaren. ld kaadiqabad.
bislayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Cunto bisayl ka dhigasho. 2. Arrin u gogol xaarasho si aan go'aan qaadashadeeda loogu dhibtoon.
bislee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Cunto bisayl ka dhigid. 2. Arrin si aan go'aankeeda loogu dhibtoon u gogol xaarid.
daandheero [m.dh]
Cudur geela ku dhaca oo ka dhasha ilig si xad dhaaf ah u dheeraada oo uu neefku calaliska ku dhibtoodo.
dhibtood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg dhibtoo.
gowsdheero [m.dh]
Gows inta debca wax yar kor u soo baxa oo dabadeed wax lala calalin waayo: takhtar yaqaan oo baxsha haddaan loo helin xooluhu waa ku dhibtoodaan.