dhici
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-iyay, -isay)1. (f.g) Wax la dhacay badbaadin. 2. (f.g) Ilmo dhicis ah dhalid. 3. (f.mg) Ka dh.: cid wax ka daaficid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhici ↴
aadiraac [m.l]
Dhicinta uu neef markaas rimay dhiciyo; qubeys.
oddoros [m.l]
1. Qiyaas lagu maleeyo roob meel durugsan ka da'ayo. 2. Cilmi lagu male-awaalo waxa mustaqbalka dhici doona.
oddoros [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Roob muuqda meeshuu ku da'ayo qiyaasid. 2. Mustaqbalka waxa dhici doona ama soo socda maleawaalid.
caal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Lo' ama ido cudur caloosha ka barariya ku dhicid.
daabo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-btay, -batay)
1. (f.g) Qalab daab u samaysasho. 2. (f.mg) Ku dhicid daab (dhasha xoolaha). Tus. “Waxartu waa daabatay”.
daaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Daaf ku dhicid.
faal [m.l]
Farsamo loo adeegsado kuul, aleel, turub, dhulxarriiqid iwm oo lagu mala'awaalo wax dhacay ama dhici doona.
jaamee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-meeyay, -maysay)
1. (f.g) Kab cid la dhicid. 2. (f.mg) Iyadoo cagaha iyo sacabbada laga shanqarinayo ciyaar dheelid. 3. (f.g) Jaamo ka dhigid: cad cad ka dhigid.
jab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Wax dillaacid ama kala go'id. 2. Col iwm guuldarro la kulmid. 3. Geed, dhismo iwm dumid. 4. Badeeco qiimeheeda hoos u dhicid.
kaadiraac [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: dhicis yar oo aan cad iyo laf yeelan ee xinjir ah.