dhig
(m.l)Wax laba meelood loo qaybshey, middood.
dhig
(m.dh) (-go, m.l)1. Ulo dhaadheer, jil iskula duuban, qaab qaanso leh oo aqal soomaaliga lagu dhiso. 2. Summad geela lagu dhigo oo leh qaab dhig hoos u jeedda.
dhig
(m.dh) (-go, m.l)(juqr.) Xarriiqo barbarra ah oo isku xira cirifka waqooyi iyo kan koonfureed.
dhig
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-gay, -gtay)1. (f.g) Wax la siday meel saarid. 2. (f.g) Wax keydin. 3. (f.g) Qalin, teeb iwm wax ku qorid. 4. (f.g) Cid wax barid. 5. (f.mg) Ka dh.: wax meel saaran dejin. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax uu la cararayo ka ridid. 7. (f.mg) Ka dh.: cid jago u magacaabid. 8. Ka dh.: wax in uu yahay wax aan lugu hubin u qaadasho. 9. Kala dh.: wax kala saarid. 10. Sabab uga dh.: wax dhaca cid u aanayn.
Dhigane*
1. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran, garbad leh oo qoraal ku qoran yahay. 2. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran, Garbad leh oo aan wax ku qorneyn.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhig ↴
aad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid.
2. (f.mg) Ku a.: wax wax kale u dhigmid.
3. (f.mg) Ku ?a.: cunto cabid iwm cid ku filnaan.
4. (f.mg) Ku ?a.: wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid.
5. (f.mg) Ku ?a.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale: “Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday”.
eber sugan [m.l] (fiis.)
Heerkulka ugu hooseeya
ee aragti ahaan suurtagala. Waa heerkulka
tamar socodka molikiyuulada iyo atamadu
uu ugu hooseyo, wuxuuna u dhigmaa -
273.15 C ama -459.67 F.
ta [q.dh] (-ta)
Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y,
iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.
ubaxdhig [m.l]
Dhigidda la dhigo meelo taariikhi ah ubax.
ka [q.l] (-ka)
Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan
magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”.
saabaan [m.l.w]
Alaabta guryaha la dhigto oo ay
ka mid yihiin kuraasta, miisadaha, sariiraha iwm oo lagu dhaqmo. ld saa-maan. saa-maan
saabbuun [m.dh]
Xayr iyo maadooyin kale oo la
isku kariyey, adke laga dhigay oo dharka iyo jirka lagu mayrto, biyahana ku milma. ld saabuun. saabuun
gaabso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
1. (f.g) Wax dheer, wax gaaban ka dhigasho. 2. (f.mg) Codka gaabso: cod hoos u dhigid. 3. (f.mg) Ka gaabso: wax ka tanaasulid.
gaad [m.dh]
1. Geedsaar leh miro macaan oo la
cuno oo goroyaduna aad u jeceshahay, isla
markaasna looga dhigto kabdhoodka (goonnibaarka) ciyaarta shacdurka. 2. Ul gaaban oo xooggan.
kaadi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U k.: hawl, arrin iwm oo la fulin lahaa in yar dib u dhigid.