Site icon Qaamuus

ereyga

dhir-abaareed
(m.dh) (-ryo ..., m.dh)

(bot.) Geed qabatimay ku noolaanshaha gobol biyoyarood ah, sida, meelaha abaaruhu ka dhacaan, qaabkiisa waxa loo qeexi karaa siyaalo kala duwan si uu u helo biyaha ugu badan una kaydsado: xididdadu way dheeryihiin ama waaweynyihiin, calemuhu way yaryaryihiin oo qaro weynyihiin ama xitaa ma leh, sida geedka tiinka, oo marmarka qaarkood qodxo; jirridu marmarka qaarkood waxay leedahay cad oo geedka u suurta galiya inuu biyaha kaydsado muddo aad u dheer, jilif qaro leh ama xabag dahaadha ayaa ka celisa geedka biyosaarka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhir-abaareed

dhuurtee [m.dh]
Geedgaab cufan oo ka mid ah dhir-abaareedka oo ay xooluhu daaqaan, lehna caleemo yaryar oo dhuudhuuban.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version