dhowaad
(m.l)1. Ku dh.: qiyaac aad ugu dhow, wax laga hadlayo. Tus. “Cali labaatan ku dh. buu jiraa.” 2. ld dhowaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhowaad ↴
arag-dhowaadka [m.l] (-rgo ..., m.l)
(daaw.) Xaalad arag oo ay fallaaraha ifku ku dhacayaan meel ka horreysa xuubka aragga (reetina); wixii yaal meel ka fog lix mitir si fiican looma arko, isha oo la khasbana laguma sixi karo. Waa in la qaato murayadaha indhaha oo takhtarku u qoray.
dhowaan [m.dh]
1. ld dhawaansho, dhowaad, dhowaan, dhowaansho. eeg dhow. 2. (fk) ld dhawaan. Mar dhow; hadhow.
galgaal [m.l]
1. Xiddig soo baxa, marka dirirku u dhowaado dayaxa. 2. Dheddig gool noqotay (xoolo).
jajabow [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Xanuun qabatin yaryar leh oo ku dhaca haweenka uurka leh marka sidkoodu soo dhowaado.
kulaal [m.l]
Dab ama wax la mid ah oo kulul oo inta loo dhowaado dhaxanta laysaga bi'iyo.
miyobi [Magac Dheddig | Noun Feminine]
Arag dhowaad.
tirobeel-yare [m.l]
(xis.) Doorsoome uu xadkiisu yahay eber. Laba doorsoome sida x iyo y oo mid kasta ku dhowaado eber, waa tirobeel yare oo isku heer ah haddii saamiga x uu yahay koobane oo aan ku dhowaan eber. Haddii x/y --> o, x waxa ay leeyahay tirobeel yare heerkiisa ka sarreeya kan y iyo haddii x/y --> '8?', xi waxay leedahay heer ka hooseeya kan y.
wasiilo [m.dh]
Wax wax kale loogu dhowaado ama lagu gaaro.
waxaraxir [m.dh]
(c.fal.) Meerayaasho qorraxda tan ugu iftiin badan, waxayna u dhexeysaa dhulka iyo dusaaga (cuddaarka) sannakeedu waa 225 maalmood, qorraxdana waxay u jirtaa toddobaatan ku dhowaad malyuun oo mayl; xiddigta waaberi; sahra.