Dhulgariir
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-rro, m.dh)Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta.
Dhulgariir
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-rro, m.dh)(jool.) Dhaqaaqa ama jaraynta oogada dhulka oo ku billaabata si dabiici ah, kana billaabata meel ka hooseysa oogada dhulka. Mararka qaarkood dhaqaaqaasi wuxuu u keenaa isbeddel waara heerka sinnaanta dhulka.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga dhulgariir ↴
cilmiga dhulgariirka | gariir-cabire |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg