Dir
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:Dad ama xoolo isku asal ah oo meel ka soo wada jeed; jaad; dhur.
Dir
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-rar, m.l)(baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, taasi oo ka kooban hal ama in ka badan oo isku eg. Dirarka isu eg waxa loo kooxeeyaa faylan ahaan.
Dir
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-rar, m.l)(nax.) Waxaa lagu magacaabaa koox ereyo ah oo wadaaga hal ama dhawr dabeecadood, sida magacyada.
Dir
Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-ray, -rtay)1. Wax meel joogay ama yiil meel kale aaddin. 2. Ku d.: qof, qof kale xumaan uga dheegid si uu ula colloobo.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga dir ↴
aadiraac | faaddir | faaddirad | faaddirnimo | faadir | qaabbilo | xaadir | xaadir | xaadiri | xaadirid |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg