Site icon Qaamuus

ereyga

Duub

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-bab, m.l)

1. Maro yar oo si gaar ah madaxa loogu xirto. 2. D. ah: xirmo tubaako, dhis, gaarso iwm ah.

Duub

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-bay, -btay)

Xoolo si loo kaxeeya meel isugu keenid.

Duub

Qaabnaxa: Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1 Isrogrogga: (-bay,-btay)

1. (f.g) Dermo, maro, xarig iwm dhowr jeer isku-dulwareejin. 2. (f.g) Nabar gaarso ku marid. 3. Cid boqrid. 4. Cajalad, hadal, hees, iwm ku sajalid. 5. (f.g) Xoolo si ay u dheereeyaan u kaxayn. 6. (f.g) Xoolo jihaday u socdeen ka leexin. 7. (f.mg) Isk u d.: qof ku dhegid.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga duub

daabac | naastro | qaanuun | rablee | xalus | yuur | afduub | afduub | afduuban | afduube |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version