Site icon Qaamuus

ereyga

eebo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Nooc ka mid ah warmaha yaryar oo la tuuro. 2. Balaayo.

eebo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-btay, -batay)

Magangelid (qof).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh eebo

eebasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg eebo². eebo

areebo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Naag karti xun oo aan nadiifin karin jirkeeda, gurigeeda iwm; basari; baali; arraajo.

ceeboobid [m.f.dh]
eeg ceebow.

ceebow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Wax ceebi ku dhacday noqosho.

dabeebo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
U d.: Cid, hadal u jeedin.

hooto [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Waran oo lagu dagaallamo; eebo. 2. Neef dhashiisa ma ahee dhasha kale nuugto.

jalbeebo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
Kaftan iyo sheeko aan turxaan lahayn cid u jeedin. ld jalbeebso.

reebo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
1. Wax la bixinayo qaar la harid. 2. Wax fal xun ka celin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version